Somaliland oo sii deysay 3-mas’uul oo ka tirsan DFS oo lagu xiray Hargeysa

Haregysa (Caasimada Online) War uu goordhow noo soo diray Wariyaha Caasimada Online ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in la sii daayay saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa tan iyo shaley ku xirnaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka dageen xaley galinkii dambe iyagoo la socday diyaarad ka timid magaalada Muqdisho.

Seddaxdan qof ayaa la sheegay in ay wateen Basaabooro Diplomaasi ah waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si ay uga qaybgalaan shir halkaas ka dhacayay sidda uu noo sheegay sarkaal ka tirsan madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

 

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa
Garoonka diyaaradaha Cigaaql ee Magaalada Hargeysa

 

Si kastaba markii sii horreysay maanta ayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde wuxuu BBC-da u caddeeyay in seddaxdan qof oo kala ah Jaamac Maxamed Jaamac oo ah madaxa Baratakoolka xafiiska madaxweynaha, Fahiimo Urur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo Cabdicasiis Aadan oo Diplomacy sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Somalia ay booliska ku qabten garoonka Cigaal ee Hargeysa iyagoo la socday diyaarad ay ka soo raceen magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuuxu sheegay in ay ku socdaan baaritaan, maadama iyagoo xilal ka haya dowladda Soomaaliya ay soo galeen Somaliland “Waana sharci daro ayuu yiri in shakhsiyaad xilal ka haya dowladda Soomaaliya ay qaab dhuumaaleysi ku soo galaan dhulka Somaliland”

Waasiirka waxaa kaloo u sheegay in maxkamad la soo taagi doono maadama ay iyagoo aan fasax heesan ay soo galeen Somaliland.

 Ma ahan markii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu xiro Hargeysa, balse labada dhinac ayaa seddaxdii sanno waxaa u billowday wadahadallo ay kaga tashanayaan masiirkooda kuwaasoo ay gawareen ka yihiin beesah caalamka.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin seddaxdan mas’uul ee lagu xiray magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com