Daawo: Booliska oo soo bandhigay rag sameeyey kiis ka yaabiyey reer Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in lasoo xiray afar qof oo saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada qabsatay arrin ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

Taliyaha booliska gobolka Bari ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen afartaas qof oo u bareertay inay u dhacaan guri ay degaan reer danyar ah.

Dadkaas ayaa lagu baahiyey bara bulshada iyagoo dil ugu hanjabaya reerka ay gurigooda ugu dhaceen saqdii dhexe ee xalay, waxaana sii maqan qof kale oo boolisku uu ku raad joogo, sida uu sheegay taliyuhu.

“Dhacdadaas waxay salka ku heysaa dad isku caayey Tiktok, dhacdadaan markaan ogaanay waxaan howlgelinay booliska ka howlgala Boosaaso,” ayuu yiri G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Wuxuu sheegay in falkaas ay geysteen shan qof, balse hadda ay soo qabteen afar kamid ah oo qiraal ah, isla markaana ay ku dabajiraan qofka maqan ee kiiskaan wax ka geystay.

Afar wiil oo dhalinyaro ah ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, “Waxaan cid kasta uga digeynaa inay sameyso qalqal gelin amni, ka boolis ahaan go’aan adag ayaan ka qaadanay wixii amniga liddi ku ah,” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bulshada ugu bishaareynayaa in sharciga aan hor keeni doono dhamaan dadkii reerka ku sameeyey qalqal gelinta aad baraha bulshada ka aragteen.”

Wuxuu sheegay in dhalinarada lasoo qabtay ay qirteen inay sameeyeen kiiskaas, maadaama ay muuqaalo iska duubeen, isagoo balan qaaday in qiraalkooda ay maxkamad ku geyn doonaan.

Hoos ka daawo