Daawo: Boqor Burhaan oo si adag uga horyimid xeer ay meel-marisay PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha oo ay meel-mariyeen golaha wasiiradda Puntland.

Boqor Burhaan ayaa ugu horeyntii sheegay in xeerka lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor-imaanaya dhaqanka iyo shareecada Islaamka.

Waxa uu ku tilmaamay tallaabada golaha wasiiradda “mid aan laga aamusi karin oo dhaawac u geysanaysa diinta islaamka,” islamarkaana aysan cidna uga haybeysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta Islaamka, sida uu sheegay.

”Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno,” ayuu yiri Boqor Burhaan oo si adag u diiday xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha.

Sidoo kale waxa uu baarlamaanka maamulka Puntland oo la filayo in xeerkaas la horgeeyo ugu baaqay inaysan waqti ku lumin sharcigaas, oo uu sheegay inuu lid ku yahay qanuunkii ilaahey.

”Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn,” ayuu yiri.

“Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha marnaba.”

Boqor Burhaan ayaa ugu dambeyntiina xukuumadda Puntland inay ka laabato sharcigan muranka dhaliyay, islamarkaana ka hor-imaanaya shareecada, isagoona bogaadiyey tallaabadii ay dhawaan culimada Puntland ku cambaareeyen xeerkaan.

Waxaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay xiisada ka dhalatay xeerka mamnuucaya gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland, kaasi oo ay ku joojinayso in gabdhaha deegaanadeeda ku nool la gudo, midaasi oo qaar kamid ah waxgaradka iyo culimada Puntland si adag uga hor-imaadeen.