Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saaka dadweynaha reer Itoobiya u dareereen goobaha cod-bixinta doorashooyinka, si ay codad-kooda u dhiibtaan.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ay ka dhaceysaa magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi oo ay ugu horreyso caasimada Addis Ababa.

Dadweynaha ayaa dooran doono illaa 547 xildhibaan oo heer federaal ah, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya doorashadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha qaar ee cod-bixinta la furey xilli aan aheyn waqtigii la cayimay, waxaana jira dib u dhac illaa 30 daqiiqo ah, tusaale ahaan magaalada Addis Ababa 15 deegaan doorasho, 11 ka mid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa iyo 2 goob cod-bixin oo ku yaalla Bahir Dar, ay dib uga dhaceen xiligii la furi lahaa.

Sidoo kale waxaa goobaha cod-bixinta ku sugan madaxda doorashada iyo sidoo kale murashaxiinta wakiilladooda, si ay dusha ugala socdaan qabka ay u dhaceyso.

Doorashada ayaa ah mid isha lagu wado hayo guud ahaan Itoobiya, marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray oo aysan ka dhaceyn doorashadu.

Si kastaba qorshaha doorashadan ayaa ahaa in ay dhacdo sanadkii hore, balse waxaa loo baajiyey, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn ballaaran ku yeeshay Itoobiya.