Xiisadii Buulo-Burde oo kasii dartay, kadib xeelad uu sameeyay maamulka…

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisada dagaal ee maalmihii u dambeysay ka taagneyd degmada Buulo-Burde ayaa kasii dartay, kadib markii uu maamulka degmada ee gobolka Hiiraan uu xeelad ugu soo gacan dhigay rag ka tirsan maaleeshiyaad beeleed uu dagaal kala dhaxeeyay ciidamada amaanka.

Sida ay sheegen qaar kamid ah Odayaasha degmada Buulo-Burde waxa uu maamulka gobolkaas kula kacay khiyaano weyn, kadib markii uu ka dalbaday in loo yeero ragii dhawaan weerarka ka fuliyey saldhiga booliska degmada, si looga wada xaalo falkaas.

Odayaasha oo raacay soo jeedinta maamulka ayaa u yeeray tobaneeyo kamid ah maleeshiyaadka, si xiisada xal kama dambeys ah looga gaaro, kuwaasi oo markii ay kulan xal raadin ah ugu yeeren, islamarkiiba xabsiga loo taxaabay.

Wararka ayaa sheegaya in 14 kamid ah raggii weeraray saldhiga la xiray kadib markii kulan xal raadin ah loogu yeeray, iyada oo taasi ay ka caroodeen qaar kamid ah maleeshiyaadka ay is-hayeen ciidamada.

“Waxaa naloo sheegay in la qanciyo oo arrinta la xalinayo, kadib markii aan geynay ayaa waxa uu maamulka nooga baxay ballantii,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha degmada Buulo-Burde.

Waxay ugu baaqeen Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedka Hir-Shabeelle inay xiisadaan soo fara-geliyaan, si uusan dhibka intaas uga sii badan, ayagoona mas’uuliyada wixii dhaca dusha u saaray maamulka degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Xiisada ka taagan degmada ayaa sii xoogeysatay, taasi oo u dhaxeysa ciidamada amaanka iyo maleeshiyaadka deeganka, kadib markii ay shalay Buulo-Burde gaareen saraakiil sarre oo ka tirsan maxkamadda ciidamada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha uu yahay in la maxkamadeeyo raga xiran oo markii hore lagu soo qabtay xeelada uu maamulka degmada uga ballan baxay Odayaasha.