Daawo: C/Qani Saciid oo la sheegay in xilka laga qaaday iyo jawaab uu ka bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir aan caadi aheyn oo maanta ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga fulinta iyo golaha Congress-ka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu ansixiyey xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Saciid Carab.

Xubno ka kala socday 14 ka mid ah kooxaha kubadda cagta, ururka macalimiinta iyo garsoorka xiriirka ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii xilka looga xayuubiyey guddoomiye Cabdiqani.

Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa si KMG ah loogu dhiibay inuu sii wado shaqada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, Cali Shiine ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka mahad celinayo hoggaamintaan sida KMG ah loogu igmaday.

Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Cabdiqani Saciid Carab oo isna warbaahinta la hadlay ayaa fowdo ku tilmaamay shirka ay qabteen qaar ka mid ah xubnaha xiriirka kubadda cagta ee xilka looga qaaday.

Waxa uu sheegay in wax kasta oo ay sameeyeen xubnihii maanta ay baal marsan yihiin xeerka xiriirka kubadda cagta, “Waxaa la abaabulay shir aan dastuurkeena waafaqsaneyn oo nasiib darro ku ah bahda kubada cagta, talaabadaas aad ayaan uga xumahay, waana sharci darro,” ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

Sidoo kale Cabdiqani ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dadaallo ay waday wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, iyadoo wasiirku dhawaan uu soo jeediyey in la isugu yimaado shirweyn oo xal looga gaarayo khilaafaadka jira.

Shirkii maanta xilka looga qaaday ayuu Cabdiqani ku tilmaamay mid lagu dhabar jebinayo nidaamka xiriirka, isagoo wasiirka cayaaraha iyo guud ahaan xubnaha wasaaradaas uga digay inay ku milmaan qalalaasaha ka dhex socda hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah hoggaanka kooxaha kubadda cagta oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hor yimid go’aankii maanta lagu ansixiyey xilka qaadista guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.

War-saxaafadeed ka soo baxay kooxahaas ayaa lagu sheegay in shirkaas aysan ka warheyn oo warbaahinta un ay ka arkeen, sidaas darteena wixii halkaas ka dhacay aysan waafaqsaneyn sharciga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Hoos ka daawo Cabdiqani Saciid Carab