Daawo: C/wali Gaas oo ka hadlay wararka sheegaya inuu khilaaf kala dhexeeyo FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Khilaaf Siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay inaanu jirin Khilaaf kala dhexeeya dowlada, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inaanu dhici doonin khilaaf danbe oo soo kala dhexgala Dowlada iyo maamulka Puntland.

Waxa uu Gaas tilmaamay in Puntland ay hoostagto dowlada Federaalka, sidaa aawgeed aanu dhici doonin inay ka hor imaadan dowlada.

Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad Facebook ku faafiya warar been abuur ah oo iska horgeynaaya dowlada Somalia iyo maamulka Puntland, hase ahaatee aanu taa dhici doonin.

‘’Madaxweynaha hadda haya xilka waa nin fiican oo aan isku wanaagsanahay anigana waan taageersanahay waana garankartan taariikhda aan wadaagno Farmaajo’’

‘’Waxaa laga yaabaa in mararka qaar aan isku fahmi’weyno maslaxadaha aan ku kala aragti duwanaano, xitaa haddii aan kala aragti duwanahay isma khilaafi doono’’