Wasiir Beyle oo shaaciyay in adduunka ay ku qanciyeen Cafinta deenta & Keating oo ka hadlay

Waxaa Magaalada Washington DC ku soo geba geboobay shirkii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Waxbarashada XFS oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bankiga Aduunka oo isku dhinac ah.

Shirka oo socday ilaa iyo Todobaadkii tagay waxyaabaha lagu lafa guray waxaa ka mid ahaa horumarka Maaliyadda Dalka, sare u kaca Dakhliga Dowladda, Bixinta Mushaarka Joogtada ah iyo hufnaanta maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyaddu ku tilaabsatay.

Miraha shirkaan ka soobaxay waxay guul horudhac ah u yihiin Dowladda Soomaaliya oo caalamka looga leeyahay Balaayiin Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bankiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen maamulka Maaliyadeed, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo horumarka ay gaartay Dowladda, taasna waxay sababtay in hadaba ay bilaabato howsha cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

“Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF/Bankiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay, taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay, iyadoo ay haddaba bilaabatay howshii iyo qaabkii deymaha nalooga cafin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr Bayle.

Dhinaca kale Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Wasiirka Maaliyadda iyo dadaalka uu sanadkaan u galay sare uqaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda iyo qaabkii loo maamulay oo ahaa qaab hufan.