Jabuuti oo qaatay tallaabo aysan qaadin dalalka kale ee Afrika, midowga Yurub oo ku abaal mariyay…

Jabuuti (Caasimada Online)- Golaha ururka caalamiga ah ee European Council on Tourism and Trade ayaa sanadkaan caasimada dalka Jabuuti u aqoonsaday caasimada dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo qoraal uu soo saaray ururkaasi ugu mahad celiyay madaxweynaha Jabuuti horumarka iyo dadaalada ka socda Jabuuti.

Dr. Anton Caragea oo ah madaxa ururka European Council on Tourism and Trade ayaa sheegay in magaalada Jabuuti ay sanadkaan noqotay magaaladii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo la guddoon siiyo abaalmarinta magaalada dalxiiska iyo ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka mahad celiyay qiimaynta ay sameeyeen European Council on Tourism and Trade iyo kaalinta uu dalkiisu kaga jiro dalxiiska dunida.

“Dalxiisku dhaqaalaha waddanku meel weyn buu kaga jiraa sida la moodayo maaha wuu ka fiican yahay, wuuna ka faa’iido badan yahay, Dad idil ayuu howl iyo shaqa siiyaa, ayuu yiri Mr;Geelle.

HALKAAN KA AKHRISO QORAAL MIDOWGA YURUB U DIREEN ISMAACIIL CUMAR GEELLE