Sawirro: Halkee ayay Dowlada Hoose marisaa Canshuurta laga qaado shacabka? (Isla xisaabtan)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Hoose ayaa weli ku howlan qaadista lacagaha canshuurta ee laga qaado Gaadiidleyda iyo goobaha Ganacsi ee ku yaalla Suuqyada iyo Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dadka Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa dowlada Hoose ku eedeeyay inay ku tagrifasho Canshuurta laga qaado.

Waxa ay sheegen inaan Canshuurtaasi lagu dhisin waddooyinka magaalada Muqdisho oo iyagu isku darsaday Burbur iyo Leyr la’aan.

Waddooyinka qaar ayaa waxaa ka qodan boholo waaweyn oo biyo dageen ah, halka qaarna ay ka go’een Gaadiidkii isticmaali lahaa.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa Shan meelood afar meel ah kuwo burbursan, iyadoo arrintaas ay caadi u arkaan Madaxda Dowlada Hoose.

Goobaha Ganacsiga ayaa iyaguna noqday biyo dageen iyo boholo uu ka qoday roobka, waxaana arrimahaasi is biirsaday qeyla dhaan ka muujiyay Ganacsatada iyo Gaadiidleyda.

Waxaa gabi ahaan dansan leyrarka ku shaqeeya cadceeda ee ku yaala waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxa ayna u dansan yihiin daryeel la’aan.

Dhaqaalaha ugu badan ee kasoo xarooda Gobolka Banaadir ayaa weli ku dhaca Jeebka shaqsiyaad gaara oo ka hoos macaasha sharciyada dalka, waxa ayna tani muujineysaa in meesha uu ka baxay isla xisaabtankii ay horay ugu dhawaaqday dowlada Somalia.

Magaalada Muqdisho ayaa Seddexdii bil ee lasoo dhaafay aheyd mid mugdi ah xiliyada habbeenkii, waxaana is weydiin iyo isla xisaabtan mudan halka la geeyo Canshuurta Gobolka Banaadir, xili ay Dowlada Hoose u tafa xeydaneyso inay qaado Canshuurta Guryaha.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA XAALADA MUQDISHO

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho

Natiijada sawirka burburka wadooyinka muqdisho