Indha Cadde oo weerar toosa ku qaaday Imaaraadka ‘’Dadka aan iska dilnay kuwa ay naga dileen ayaa ka badan’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Yuusuf Indha cadde ayaa ka hadlay Khilaaf Siyaasadeedka dowlada Somalia kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta oo muddooyinkaani taagnaa.

Yuusuf Indha cadde oo u waramaayay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Khilaafka taagan uu yahay mid ay dowlada Somalia ku baadi-goobeyso xoriyadeeda, isla markaana ay taageersan yihiin dhinac waliba oo ay dowladu wax u wado.

Indha cadde waxa uu sheegay in faa’iidada lagu qaboo Imaaraadka iyo khasaaraha uu badan yahay khasaaraha ay u geysanayeen Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka shaqeynayaan dhibta Soomaalida.

Waxa uu Indha cadde tilmaamay in sababta uu Imaaraadka u imaaday Somalia ay tahay inay ka faa’iideystaan dalka iyo dadka, waxa uuna cadeeyay in Soomaalida ugu badan ee ku dhintay dalka ay iyaga sabab u yihiin.

Wuxuu Indha cadde cadeeyay in dowlada Imaaraadka carabta aysan Somalia u imaan kaalmeynta shacabkeena, hase ahaatee ujeedka uu yahay cuuryaaminta Dowladda Federaalka Somalia.

Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ay Imaaradka Soomaliya u yimaadeen ay tahay hinaaso Siyaasadeed,oo uu shegay inay ka dhalatay gurmadkii ay dowladda Turkiga u fidisay Somalia.

Indha cadde oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Imaaraadka runtii Somalia uma imaan kaalmo iyo dhismo dal Soomaaliyeed, horay ayey noo siiyeen daawooyin iyo raashiin dhacay hadana kasii badan ayey nala doonayaan’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Waxaan idin sheegayaa in dadka Soomaliyeed ee dagaalada ku dhinta iyo kuwo imaaradka uu dilay ay badan yihiin kuwa ku dhintay gacanta Imaaraadka’’

‘’Waxaan dowlada Somalia uga mahad celinayaa go’aanka ay Imaaraadka ku tustay awoodiisa, waa talaabo gobonimo leh’’

Sidoo kale, Indha cadde ayaa sheegay in dowlada Somalia ay hora usoo ixtiraantay Siyaasadaha dowladaha Shisheeye, sidaa aawgeed la doonaayo inay muujiso Siyaasadeeda.

Dhinaca kale, Indha cadde ayaa cadeeyay in Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka uu soo ifbaxay kadib markii Imaaraadka uu isku dayay inuu maamusho dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com