Maxaa lagu qabtay Howlgalkii laga dhex sameeyay Hooyga Xildhibaan Cadow Cali Gees ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlgal laga sameeyay Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Cadow Cali Gees oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Howlgalkaan ayaa waxaa Hooyga Xildhibaan Cadow ka fuliyay ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, waxa uuna howlgalka qaatay muddo ku dhow laba saac iyo bar.

Xildhibaan Cadow Cali Gees, ayaa xiliga Howlgalka laga sameynayay Hooygiisa ku maqnaa dalka dibadiisa, waxa ayna ciidamadu baaritaan kula dhaqaaqen dhamaan qeybaha uu degan yahay Xildhibaan Cadow Cali Gees.

Hoyga Xildhibaanka ee la weeraray ayaa ku dhex yaalla Dekadda magaalada Muqdisho, waxa uuna howlgalkaasi yimid kadib markii laga shakiyay Hooyga.

Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen Howlgalka baaray dhammaan qolalka iyo agabka yiilay Hooyga Xildhibaan Cadow Cali Gees, waxaana maalmahaani jiray warar sheegaya in Xildhibaanka uu hayo Hub sharci daro ah.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Hooyga laga dhex helay Hub farabadan oo sharci daro ah iyo alaabo sharci ahaan ka mamnuuc ah dalka oo lagu keydinaayay Hooyga Xildhibaan Cadow Cali Gees.

Sidoo kale, shaqaalaha Guriga ayaa sheegay in ay Alaabta Guriga iyo Xafiisyo Xildhibaanka lahaa Banaanka la keenay, isla markaana gaadiid lagu guray waxyaabihii sababay in la weeraro Hooyga Xildhibaanka.

Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay in talaabo ay ka qaadeyso cidii lagu arkaa waxyaabo ka baxsan sharciga dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com