Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka oo la magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu bilaabay xulista guddi ka shaqeeya qaban qaabada doorashada.

Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in iminkaba la xulay qaar kamid ah xubnaha kamid noqon doona guddiga.

Xubnaha ka shaqeyn doona qabanqaabada doorashada ayaa ku imaan doona hanaan hufan, waxaana lagu wadaa in ugu yaran ay noqon doonaan Shan iyo wixii ka badan.

Ku dhawaad 11 Xildhibaan ayaa ku loolameysa doorashada kursiga uu iska casilay Ex Gudoomiyihii baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu soo magacaabo muddo 15 maalmood gudaheed ah oo ka soo bilaabaneysa markii uu iscasilay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka  Jawaari.

Dhinaca kale, Xildhibaanada u tartamaayay Kursiga ayaa weli heysta fursado ay isugu soo sharixi karaan xilka banaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com