Xanuun kusoo booday Taliyaha ugu Sareeya Ciidamada Liibiya & Dowlado shisheeye oo ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arimaha Dibada France Jean-Yves Le Drian ayaa Waxaa uu Xaqiijiyay in isbitaal ku yaal Magaalada Paris ee Caasimada Dalkaasi La Dhigay Genaraal Khalifa Haftar oo ah Taliyaha ugu Sareeya Ciidamada Dowlada ee Bariga Dalka Liibiya.

Radiyaha Dowlada France oo soo Xiganayay Wasiirka ayaa Waxaaa uu sheegay in Mr Khalifa Haftar oo Ka Mid ah Saraakiisha Ciidamada Liibiya Xanuun soo Wajahay Darteed loo Dhigay isbitaalka Daaweyn Caafimaadna loo Sameyay.

Isbitaalka Lagu Daweeyay ayaa La Sheegay in ay isticmaalaan Milatariga Dalkaasi Waxaana Lagu Magacaaba Val-de-Grâce.

75 Jirkaan ayaa La ogeyn Xanuunka soo Wajahay Halka Afhayeenka u Hadlay Sargaalkaan uu Beeniyay Warar Soo Baxayay oo ahaa in uu La ildaran yahay xanuunka wadna xanuunka iyo Cudurka Gariirka Loo Yaqaan ama Stroke Xilli uu Ka soo Hortmuuqday Al-Nabaa TV.

Dhanka Kale Dib Lumaasiyiin u Dhashay Midowga yurub oo aan Magacooda La sheegin ayaa arbacadii shalay sheegay in Sargaalkaan u Dhashay liibiya uu ku dhacay cudur dhanka Maskaxda ah kaasi oo keeni kara in uusan u sii shaqeyn sidii hore.

Liibiya ayaa Tan iyo Sanadii 2011 Waxaa Ka Jiray Qalal;aaso Siyaasadeed Kadib Markii Talada Dalkaasi Laga Tuuray Madaxweynihii Hore ee Dalkaasi Cornel Mucammar Al Qadafi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com