Daawo: Sida Somaliland ay uga ciishootay Mowqifka Imaaraadka Carabta ee Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan ku sheegnay wararkeena maanta maamulka Somaliland ayaa isku khilaafay haddalka kasoo yeeray dowlada Imaaraadka Carabta, kaa oo ahaa inaanu jirin xiriir ay la leeyihiin maamulka Somaliland.

Haddalka kasoo yeeray dowlada Imaaraadka oo Saxaafada uu la wadaagay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaanada, Wasiirada iyo Mucaaradka maamulka Somaliland.

Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Somaliland, oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku qasaaren xiriirka ay la sameeyen Dowlada Imaaraadka.

Natiijada sawirka Xildhibaan Dheeg

Xildhibaan Dheeg, waxa uu sheegay inaysan garaneynin halka ay Imaaraadka ku bixisay lacagta Heshiiska Dekadda Berbera, waxa uuna intaa raaciyay in haddalka kasoo yeetay Imaaraadka uu ka nixiyay Somaliland, isla markaana ka farxiyay Somalia inteeda kale.

Dheeg, waxa uu tilmaamay in dowlada Qadar ay Somalia ku wareejisay 30 Bas, halka Imaaraadkuna uusan Somaliland siin xitaa gaariga nooca loo yaqaan Cagaf-cagafta.

‘’Imaaraadka waxa uu yiri Dekadda ayaan dhisaa, ma uusan dhisin dekadda wixii kasoo baxayna wuu gurtay, lacagteenana wuu gurtaa’’

‘’Qadar waxaan u kala dhimanay Imaaraadka dartii, waxna ma uusan noo sameyn waa in nalaga eryaa Imaaraadka’’

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan (Cirro) ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Imaaraadka ay cadeysan mowqifkeeda isla markaana qirtay in heshiiskii Dekeda Berbera ay wax ka ogeyd Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana aanay aqoonsaneyn Somaliland.

C/raxmaan Maxamed C/laahi C/raxmaan (Cirro) ayaa waxa uu sheegay heshiiska Dowladda dhexe iyo Imaaraadka ay ka galeen Dekeda Berbera in ay aheyd xad gudub lagu sameeyay madax banaanida Somaliland.

Cirro wuxuu sheegay in dambi qaran uu galay Madaxweyne Siilaanyo, loona baahan yahay in Maxkamad la soo taago, isaga oo dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu is casilo, maadaama uu tilmaamay inuu wax ka ogaa qiyaanada uu sheegay.