Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo diray farriin culus oo muhiim ah.
Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha qabiilka ee la dagay dalkeenna, wuxuuna sheegay inuu dib u dhigay dadka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqan in Soomaalinimo wax lagu wada qabsado.
“Waxaa ina dilay waa qabiil oo dib u dhaca dalkaan koow ka ah Soomalinimo aan wax isku siino dalkana halaga fikiro” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waan ku faraxsanahay inaan sidaas isku wada qiimeyno oo aynu qirno qofkeenna qiimaha innoo leh, waxaa idin leeyahay guuleysta howshiinuna halkaas haka sii socoto”.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo inta badan ka hadlay wadaniyadda ayaa marar badan tix ku cabiray dareenkiisa, isaga oo ku taliyay inay shaqeyso dowladnimada .
“Dowladdeennii baynu duminay qaxooti ayeynu nahay aan qiime ku lahayn adduunka, aynu ka fekirno waddaniyad iyo sidaan dalkeena dib ugu mideyn lahayn waxaynu noqonay dowlado reera ah cadow baa inna kala qaybiyey, Soomaali ma anfacdo reero calan sita, war Qarannaa ina anfacda ma kala go’i karno.” ayuu horay ugu yiri Khudbad uu ka jeediyay Golaha dhexdiisa.
Waxaa kale oo uu xilligaas ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada dalka, isla markaana laga tego qabiilka iyo calamada gaar gaarka ah ee haatan la sameystay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn u diideen Dowladda Federaaka iyo saaxibadeeda caalamka.

