Daawo: Jayte oo shaaca ka qaaday inay iska xawilayaan dagaalka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo khudbad u jeediyey dadka deegaanka ee Moqokori ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ay haatan kula jiraan kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in muddo fog ay ku jiraan xaalad dagaal iyo difaac adag, si ay isaga dhiciyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan laga saaray inta badan HirShabelle.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in haatan ay qorsheynayaan in ay iska fogeeyaan dagaalka si ay ugu xawilayaan deegaanada kale ee ka caagan howlgallada , sida uu ku dooday.

“Waxaan rabaa si cad inaan u qeexo labo bilood hadda ka bacdi difaac laguma jiri karo ee aan dagaalka iska xawilno naga fogeeya “ ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in reer Hiiraan aysan intaan ka badan kusii jiri karin difaac, loona baahan yahay in dagaalka uu gaaro dariskooda, si loogu sinnaado.

“Runtaa idin sheegayaayee difaac laguma jiri karee dagaalka aan iska xawilno. Nimankaa reer adoogey ah aan ku xawilno, qolaadaa kale aan ku xawilno naga fogeeya baahalka,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqokoro inay si buuxda ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, si looga sifeeyo inta ka harsan.