Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii la bedelay ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa maanta magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo.
Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxtooyadaas oo ‘igu sawir’ aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalkaan.
Guddoomiye Cali Jeyte wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay nin dan-gaar ah ka leh reer Hiiraan, isagoo qaatay dhowr tusaale oo eedeyntiisa uu u soo daliishaday.
“Tani waxay u baahan tahay fasiraad dheeri ah, Sheekh Shariif wuxuu gobolka Hiiraan u kala saaray labo gobol, Hiiraan iyo Shabeellada Sare ayuu u kala qeybiyey, waan heynaa dikreetadaas, ayadaana ku dhaqmi doonaa” ayuu yiri Cali Jeyte.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif intii uu talada dalka hayey uu labo gobol ka dhigay Hiiraan, iyadoo gobolka cusub xilligaas caasimad looga dhigay Buuloburde, sida uu hadalka u dhigay.
Hase yeeshee wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay Sheekh Shariif uu diiday dikreetadaas, “Xilkii uu Shariif kala wareegay waa sharci, laakiin dikreetadii uu soo saaray intii uu xilka haayey sharci maaha, Xasanow is qabadsii,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan ku eedeeyey in degmooyin ay ku jirto Kaxda oo Muqdisho ka tirsan, isla markaana sharciyeysay dowladii Sheekh Shariif uu ogolaaday, balse reer Hiiraan uu u diiday xaqoodii.
“Magaalada Muqdisho 16 degmo ayey aheyd, hadana waa 17 degmo, waxaana ka dhigay Sheekh Shariif, hadda waa sharci dikreetadaas, mida Hiiraan-na sharci maaha, arrintaas inuu miisaan saaro ayaan ka rabnaa Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Ugu dambeytii Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in reer Hiiraan siyaasiyan wax loogu diidan yahay, laakiin aan sharci wax loogu diidaneyn, “Markii nalaku xisaabtami jirnay waan ka baxnay, hadda inaan xisaabtanaan diyaar u nahay,” ayuu Cali Jeyte ka yiri goob uu ka dhigax dhigay madaxtooyo uu yeelanayo maamulkiisa Hiiraan State.
Hoos ka daawo