Daawo: Caro xooggan oo ka dhalatay iibinta Tiyaatarka iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka.

“Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri  Dhuux.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.'”.

Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad.

“Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey.

Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka.

“Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir.

Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe.

“Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah.