Puntland oo beenisay warar laga faafiyey doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta magaalada Garowe kulan la yeeshay ururada siyaasadda ayaa shaaciyey in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl, Qardho iyo Ufayn.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka ee seddaxdaas degmo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada tijaabada ee seddexda deegaan ay ku qabsoomayso waqtigii loogu talo-galay oo ah 25-ka bisha soo socota ee October.

Warkan maanta ka doo yeeray guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada siyaasadda Puntland qaarkood ay sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan waqtigeeda ku dhici karin.

Ururrada siyaasadda ayaa soo jeedintooda u cuskaday in deegaanada Puntland aan laga sameyn wacyi gelin bulsho oo la xariirta qabsoomidda doorashooyinkaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Xukuumaddu aysan bixin dhaqaalihii loogu talagalay in lagu kabo ururrada siyaasadda Puntland.

Sidoo kale waxyaabihii ay cuskadeen ururrada siyaasaddu waxaa ka mid ahaa saameynta doorashooyinka federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran.

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ururkiisu uu ka mid ahaa ururrada dalbaday dib u dhigista doorashada ayaa sheegay in mowqifkoodu uu is bedelay, kadib kulan ay la qaateen xubnaha guddiga doorashada, isla markaana ay ka laabteen codsigoodii hore oo hadda ay diyaar u yihiin in doorashada waqtigeeda lagu qabto.