‘Xilal lagu bixiyey garab, dano gaar ah iyo saaxiibtinimo oo fashiliyey’ dagaalkii DF ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxda sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku dhaliilay in xilalkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay garab, saaxiibtinimo iyo dano gaar ah ugu abaal mariyeen shaqsiyaad aan aqoon u laheyn, taasi oo horseed u ah fashilka curyaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sida la fahamsan yahay farriintiisu si gaar ah ugu socotay Agaasimaha hay’adda Nabadsugida, Fahad Yaasiin, oo uu sheegay in xilkaas uu ku helay saaxiibtinimo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay?, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha ahaan jiray aan dhaho ii qabo Nabadsugida ka waran.”

“Haddii shaqada la isku siiyo wiilkaan aniga ayuu i taageersan yahay, anuu dagaalka ila soo galay, maalmihii aan musharaxa ahaa ayuu sawirkayga darbiyada ku dhajin jirey, oo aan fiirinba wax khibrad ah ma leeyahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in fashilka curyaamiyey la dagaalanka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay xilalka muhiimka u ah dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi oo loo dhiibay shaqsiyaad aan khibrad u laheyn.

“Dad Shabaab yaqaana waa joogaan dalka, dad kasoo goostay oo taako-taako iyo geed geed u kala yaqaana, kuwo khibradeeda leh ayaa jooga oo waxa la la’yahay waa hogaan dadkii saxda ahaa u dhiiba shaqadii saxda aheyd.”