Wareegtadii madaxweyne FARMAAJO iyo saddex sano kadib – Maxaa is-beddelay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, islamarkaana laga sameyn doono maqaayad.

Dhulka la bixiyey ayaa waxaa ka dhalatay xiisad xoogan, ayada oo qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Haddaba, aan dib u milicsano saddex sano ka hor iyo wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu xiligaas uga walaacsanaa jiritaanka warar sheegaya ku xad-gudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

“Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo,” ayaa xiligaas lagu yiri wareegtada Farmaajo.

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Tuhunada iyo dareenada ku xeeran qaabka loo bixiyay dhulka kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa dul hoganaya su’aalo badan, ayada oo uu banaanka u soo saarayo wax ka bedelka ku yimid wareegtadii uu saddex sano ka hor ku joojiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday bixinta dhul dowladeed.

Madaxweynaha ayaa xiligaas faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrimahaas inaysan bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Hase yeeshee Farmaajo ayaa kadib waxaa la bixiyey dhul badan ooh anti dadweyne ah, ayada Inta badan dhul boobkan looga faa’iideynayo shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.

Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya.