Sababta keentay weeraradii dhallinyarada Soomaalida ay ka geysteen waddaanka JARMALKA oo la shaaciyey

Berlin (Caasimada Online) – Dalka Jarmalka waxaa maalmihii dambe kusoo badanayey dhallinyaro Soomaali ah oo halkaas ka geysanaya weeraro loo adeegsado Mindiyo, taasoo culeys weyn ku noqotay Soomaalida ku nool halkaas.

Booliiska Jarmalka waxaa loo gudbiyay kiisas kala duwan oo ay ku leg yihiin Dhallinyaro Soomaali ah oo weerar ku fuliyay mindiyo, qaar kamid ah dadkaas waa ay xireen halka kuwo kale ay ku raad-joogaan.

Cabdirashiid Shariif oo Soomaalida ku cusub Jarmalka ka caawiya dacwooyinka Maxkamadaha ayaa dhibaato soo korortay ku tilmaamay weerarada ay geysanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo falcelinta warbaahinta dalkaas ay ka sameyso.

“Soomaalida kunoo Jarmalka waxaa kusoo kordhay weerarada Mindiyaha ay ku geysanayaan iyo kuwa ay isku beegsanayaan dhexdooda tan iyo June 2021, runtii saameyn weyn ayay nagu reebtay maadaama joornaallada lagu qorayo maadaama dadka dalkaan si weyn u aqristaan,” ayuu yiri Cabdirashiid Shariif.

Sababaha ugu badan ee dhallinyaradaan ku kaliftay falalkaan ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaatooyinka shaqo la’aanta, waxyaabihii ay Jarmalka ka rajeynayeen oo ay ka waayeen, safarka oo ay ku dhibtoodaan iyo isticmaalka walxaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxyaabaha ku riixayo falalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah in dhallinyaro badan loo diiday sharciga dalalka Yurub, gaar ahaan Jarmarka taasoo dhalliyarada ku kalifeyso inay ku biiraan kooxaha tuugada ah ee ka jiro dalkaas kuwaas oo kala gudbayo mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan.

Seddexdii bil ee ugu dambeysay dalka Jarmalka waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen dhallinyaro Soomaali ah kuwaas oo loo geystay dad ajaanib ah, qaarkood Booliska ayaa toogtay halka qaar kalana gacanta lagu dhigay.