25.2 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Daawo: Cawad iyo Fiqi oo isku adeegsaday qabiileyste, sarqaan iyo iyo eedeymo kulul

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, kadib markii su’aal laga weydiiyey waxa ay isku hayaan ee sababay in maalmihii lasoo dhaafay ay iska weeraraan warbaahinta.

Wasiir hore Cawad, ayaa sheegay in Wasiir Fiqi uu yahay nin isagoo masuul qaran ah aad u isticmaala qabyaalada, isla markaana uu jeclaan lahaa in isaga iyo Fiqi dood loo qabto, si Soomaalidu u barato ninka wasiir ku haboon labadooda.

Hadalka Cawad oo baraha bulshada ku faafay saacadihii u dambeeyey waxaa qoraal kooban uga soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, oo yiri “Salaadda ha u dhawaanina idinkoo sakhraansan ilaa aad ka garanaysaan waxaad sheegaysaan.”

Cawad oo qoslaya ayaa yiri “Horta waa fiicnaa laheyd in aniga iyo Fiqi aad dood nooqabataan, markaas waxaa ogaan laheydeen qofka labadeena wasiir u qalma, laakiin hadda waxaan idiin sheegayaa in Fiqi uu caan ku yahay inuu ku dhaarto wax uusan awoodin in uu qabto.”

Jawaabta kooban ee Fiqi oo mar kale Cawad ku tilmaamay nin sarqaama, ayaa hadal-heyn kale iyo falanqeyn abuurtay, iyadoo dadka qaar ay muujinayeen in hadalkaasi u uku habooneyn in qof hadda wasiir ah uu ku yiraahdo wasiir hore, isla markaana uu sumcad dil ku yahay dowladnimada iyo is ixtiraamka Soomaalida.

Axmed Cawad ayaa ku faanay in waayihii uu wasiirka ahaa uusan waligiis u hanjabin dad kale ama hadallo kicin qabiil ah uusan adeegsan, halka Fiqi u uku eedeeyey in waligiisba uu jeclaa inuu xanafta qabyaalada adeegsado.

“Anigu markii aan lahaa Fiqi waa Feysal-ka Soomaaliya, waxaan kala jeeday waxaad aragteen marar badan oo wasiir uu ka ahaa Galmudug iyo dowladda federaalka in adeegsanayo hadallo muujinaya inuu aaminsan yahay in dowladda Soomaaliya uu isagu iska leeyahay, mar wuxuu yiri nin ahaan jiray Ra’iisul Wasaare ayaa dalka wax ka sheegay, laakiin waxaan isaga dhaafeynaa seedinimo, mararka qaar wxuuu u dhaartaa qabaa’ilka, marka idinkaaba qiimey kara Fiqi waxa uu yahay,” ayuu yiri Cawad.

Isagoo sii dhaliilaya ayuu sheegay in Fiqi uusan waxba ka qabanin wasaaradaha loo dhiibo, “Idinkuba qiimeeya muxuu qaban karaa qof iska dhaaranaya oo wax uusan qaban karin sheegaya, oo wasaaradihii uu ka shaqeeyey la arki karo in waxba uusan ku soo kordhin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Ciise Cawad.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News