Daawo: Ciidamo weeraray guriga agaasime ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan hubeysan ayaa shalay la wareegay guri ay magaalada Muqdisho ka degan tahay Maryan Aadan Amiin oo loo yaqaano Maryan Isxilqaan, oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Taliska ciidanka Nabad sugidda gobolka Banaadir ayaa ku baxay dhacdadaas, kadib markii laga war helay in guri ay la wareegeen maleeshiyaad hubeysan, iyadoo ciidankii qabsaday laga saaray guriga.

Gurigaan oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan muran salka ku haya milkiyadiisa, waxaana shalay xoog looga saaray qoyska Maryan Isxilqaan.

Ciidan uu watay Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin  Warbac ayaa gaaray guriga, waxaama laga saaray ciidankii qabsaday oo qaab qabiil u abaabulnaa.

Maryan Isxilqaan oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska R/Wasaaraha ayaa degan gurigaas la isku heysto waxayna ku maqan tahay dalka dibadiisa.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta kula hadashay gurigaas kadib markii laga saaray ciidankii qabsaday, waxayna sheegtay in Maryan ay caafimaad ugu maqan tahay dalka Turkiga, balse carruurteeda ay degan yihiin guriga.

Maamo Jawaahir ayaa cadeysay in hey’adaha ammaanku ay ku soo baxeen arrintaas isla markaana ciidankii qabsaday laga saaray guriga, iyadoo uusan dhiig ku daadan.

Hoos ka daawo