Daawo: Ciro oo ka horyimid tallaabada Muuse Biixi ee ku aadan jabhadda Gacan-Libaax

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, kadib markii ay Jimcihii shalay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo jabhad ku sugan halkaasi.

Cirro ayaa ugu horreyn sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaas, isaga oo tacsi u diray ehellada askartii ku geeriyootay, wuxuuna kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad.

“Marka hore waxaan tacsiyadeynayaa dhamaan dadka nagaga dhintay, kuwa dhaawacmay ilaah waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, anaga oo ka xun dhacdadaas” ayuu yiri musharraxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay tallaabo uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan inuu ciidamo dul dhigo jabhadda dul saaran buurta Gacan-Libaax, wuxuuna sheegay in taasi aysan keenin xalka ee loo baahan yahay in la qaado dhabo kale oo nabadeed.

“Annagu ma rumeysnin, waana ka soo horjeednaa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is maquunin” ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Wuxuu kusii daray  “Shaqsiyan anigu kursiga aan doonayo ee madaxweynaha waxaa igala qiimo weyn dhiigga hal muwaadin oo daata”

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday madaxweynaha inuu ciidamado ka qaado halkaasi, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay hubka dhigaan oo ay nabadda ka shaqeeyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha in ciidamadiisa uu qaado buurta Gacan-Libaax, shacbigaa hubeysan waxaan ugu baaqayaa inay qoryaha dhulka dhigaan” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay buurta Gacan-Libaax, kaas oo Somaliland looga dilay 9 askari, loogana dhaawacay 17 kale.