Daawo: CIRRO oo Muuse Biixi ku taageeray dagaalka magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo taageero u muujiyay xukuumadda Muuse Biixi.

Cirro ayaa madaxweyne Biixi ku taageeray in xukuumaddu ay ka hortegto duulaan uu sheegay in Somaliland ay ku soo qaaday Puntland, isaga oo si adag u cambaareeyay.

“Xisbiga Wadani waxa uu si adag u cambaareynayaa duulaanka fara-gelinta ah ee maamul goboleedka Soomaaliya Puntland kusoo qaaday gudaha Somaliland,” ayuu yiri Mr. Cirro.

Wuxuu intaas raaciyay “Xisbiga Wadani waxa uu boggaadinayaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay iska difaaceen duulaankaas gar-darrada ah,”.

Musharraxa xisbiga Wadani oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aan la aqbali karin dagaalka iyo barakaca weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

“Dagaalka, barakaca iyo dhiiga sokeeye ee ku dadaanaya magaalada Laascaanood, ma’aha wax la aqbali karo, waana xaalad murugo, tiiraano iyo uur ku taallo leh,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in waxa ka socda Laascaanood uu yahay dagaal sokeeye oo la dhex-dhigay Ummad mid ah, si loo kala dhan-taallo.

Ugu dambeyn Cirro ayaa shaaciyay in Laascaanood ay ula mid tahay magaalooyinka kale ee Somaliland, isla-markaana ay ka damqanayaan dhibaatada ka taagan magaaladaasi.

“Waxaan u arkaa dagaal sokeeye oo aan aheyn laba dhinac oo la dhex dhigay Ummad mid ah oo aan meel kala tageyn. Laascaanood waxay naloo mid tahay Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo,” ayuu markale yiri musharraxa xisbiga Wadani.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay xukuumadda Somaliland u shaacisay in dagaalka ka socda Laascaanood ay iska kaashanayaan ciidamada Puntland, argagixiso iyo kuwa nabad diid ah, walow ay eedeyntaasi iska fogeeyeen waxgaradka deegaanka ee SSC.