Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka bilowday xeelad cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka billowday dagaalka ay kula jirto ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada, waxay ku lifaaqeen xeelad cusub oo ku ogaanayaan bulshada iyo dadka ka ganacsada daroogada.

Caasimada Online oo la hadashay dhowr ganacsade oo looga shakiyay inay iibiyaan taabuuga iyo daroogada ayaa sheegay in goobahooda ganacsi ay marar kala duwan yimaadeen hal ilaa labo dhallinyaro iska dhigay inay dadka daroogada isticmaalaan.

Waxay sheegeen in dhallinyaradaas ay weydiiyeen in laga iibiyo taabuu, balse ay u sheegeen inaysan iibin. Hase yeeshee waxaa markii danbe goobahaasi ganacsi ee dhallinyarada ay tageen lasoo xiriirtay Al-Shabaab, una sheegtay in la hubiyay inaysan iibin daroogada.

Ganacstada ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay ka codsadeen inay soo gudbiyaan goobaha lagu tuhmayo in lagu iibiyo taabuuga.

Dhinaca kale, labadii habeen ee u danbeeyey ayaa degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa waxa ay dhalinyaro ku caweyneysay goobaha shaaha laga iibiyo, xaqiijiyeen inay arkeen maleeshiyo hubeysan oo wajiyada u qarsanaa, kuwaasoo dha;linyarada ka baarayay daroogada iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Dhallinyaro dhacdadaas habeen hore ku qabsatay Xaafada Xaliimo Heyti ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay yimaadeen labo maaqayad oo shaaha laga cabo.

Dhalinyaradii ku sugneyd maqaayadahaas ayaa dhamaantood jeebabkooda laga baaray taabuuga iyo waxyaabaha maanka qofka dooriyo, kadibna maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa si nabdoon goobta uga tagay markii ay daroogo ka waayeen dhallinta ay baareen, ayaga oo aan ka qaadan wixii kale ee ay haysteen. 

“Ilaa sagaal nin oo hubeysan ayaa hal mar  ka war helnay iyagoo dhinacyada naga taagan, waxay inoo sheegeen inaan is dejino, wax dhib ahna uusan jirin, kaliyana ujeedkoodu yahay inay naga baaraan daroogo iyo tubaakada taabuuga, markii ay na baareen oo dhallinyaradii ka waayeen wax daroogo ah, waxay inoo sheegeen in qofkii lagu helo ay nafta dhaafsiin doonaan, noomana sheegin cidda ay yihiin iyo halka ay ka tirsan yihiin, laakiin waxaan ogaanay inay ahaayeen Al-Shabaab markaan aragnay muuqaalkooda,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ahaa dhallinyaradaas.

Al-Shabaab ayaa toddobaadkaan shaacisay in Muqdisho kula dagaalameyso kooxaha daroogada ka ganacsada iyo ciyaal weerada, iyadoona ka dhabeysay, waxayna fuliyeen dhowr howlgal oo ah qaraxyo ay ku burburiyeen xarumo lagu iibin jiray daroogada, sidoo kale waxay toogteen dhow dhallinyaro oo ku lug lahaa ganacsiga daroogada.

Howlgallada Al-Shabaab ee Muqdisho ka billowday ayaa sababay inay durba yaraadaan ciyaal weerada iyo in si tuuganimo oo qarsoodi ah dadka u kala iibsadaan daroogada iyadoo dhinacyada la iska fiirinaayo.

Tallaabooyinka Al-Shabaab ayaa ceeb weyn ku ah dowladda federaalka oo muddo wax ka qaban waysay ciyaal weerada iyo ka ganacsiga daroogada.