Falcelin ka dhalatay ‘muddo kororsiga loo sameynayo’ hay’adaha DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka falceliyay muddo kordhinta la damacsan yahay in loo sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka, kadib markii guddoonka labada Aqal uu u guddi u xilsaaray arrintaas.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya uu qaabilsan arrimaha bani’aadanimada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdirxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid tallabadan gaar ahaan in muddo kororsi loo sameeyo labada Aqal, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in guddoonka Baarlaamanka laga filayay inay soo bandhigaan ajandayaan ku aadan sidii dalka looga bixiin lahaa doorashada dadban.

“Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Ma ahayn in ay xilligaan muddo kororsi ka fekeraan, iyagoo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray”.

Dhankiisa Xildhibaan Ambasador Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka digay muddo kororsigan, wuxuuna ku taliyay  in laga fogaado, isaga oo tilmaamay inay arrin sharci darro ah.

Fiqi ayaa sidoo kale ku baaqay in laga daayo shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo qaddiyadan si adag uga hadlay Xildhibaan Dayax Axmed Cumar, kaas oo wax lala yaabo ku tilmaamay tallaabada guddoonka labada Aqal ay ku doonayaan in muddo kordhin horleh loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano.

Si kastaba Durbadiiba arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.