Gabdhaha ku jira golaha shacabka oo gorada isla galay iyo jahwareer taagan + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahwareer xoogan iyo buuq ayaa weli ka taagan Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay habsami u socodka Baarlamaanka.

Dood xoogan iyo murano u dhexeeyo xildhibaanada dhexdooda ayaa ka taagan Golaha, waxaana hor-boodaya gabdhaha ku jira Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Inta badan haweenka ayaa gorada iskula jira, waxayna isku hayaan sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen xildhibaanada ragga ah, una hei lahaayeen xuquuqaadka ka maqan.

Xildhibaan Seynab Caamir oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay arrintaan, waxaana ay shaaca ka qaaday in gabdhuhu ay wareer ku hayaan Baarlamaanka.

“Annaga waxaa nahay Xildhibaano Soomaaliyeed war annaga haweenkaan waa na wareeriyeen war raggii isma heystaan annaga maxaa u kala sarreynaa”,” ayey tiri.

Waxaa kale oo ay sii raaciyay “Haddii wax la tirsanayo annaga guuddoon baan leenahay guddoomiyaa joogto oo haweenka metaleyso oo kusoo gashay magaca haweenka”.

Sidoo kale waxay baaq u dirtay haweenka Baarlamaanka ku jira, ayada oo ka codsatay inay ‘foodada’ ka joojiyaan golaha dhexdiisa, isla-markaan ay ilaaliyaan xeer hoosaadka u yaal.

“Gabdhow qaska aad watiin joojiya gabdha cusub oo hadda Baarlamaanka soo galay ayaa tihiin annaga nama hoggaamin kartaan xiinkiina haka dheereynina. Anaa reerka u weyn anaana u yar cid iga daba hadli karto malahan” ayey markale hadalkeeda sii raacisay.

Maalmo kahor ayey aheyd markii gabdhaha Baarlamaanka ay dood ka keeneen in baaris lagu sameeyo boorsooyinkooda, marka ay galiyaan xarunta Villa Hargeysa, taas oo buuq iyo fowdo ka dhex dhalisay mid kamid ah kulamadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha.