Madaxweyne XASAN oo ‘si lama filaan ah’ uga hadlay tabashada beelaha ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay tabashooyinka ay beeluhu ka qabaan dowladda federaalka, taasi oo toddobaadyadii dambe si weyn isku soo tareysay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka beeluhu qabsanayaan aysan xal u ahayn tabashada ay ka qabaan dowladda, balse ay fursad siinayaan kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda.

“Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor istaagaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor keenayaan qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waa in ka feejignaanaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beelaha ee kor loo sheegayo ay kooxda Al-Shabaab u sahlayso ujeedkooda ah in dowladda laga mashquuliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda, sida uu sheegay.

“Dad badan oo dadkeena oo Shabaab aheyn oo aan aaminsaneyn fikirkooda ayaa haddana u adeegaya, wixii Shabaab uu rabay dowladda inay daciifto oo buuq ku furmo,ka mashquusho Shabaabka oo ku jeesato yaa na haysta iyo kan naga fujiya waa waxay rabaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu qiray madaxweynaha in tabasho ka imaan karto dowladda, laakiin taas aan cudur daar looga dhigan karin in Shabaab fursad la siiyo oo dhexdeena la isku mashquulo, halkii xoogga la wada saari lahaa howl-galada dagaal ee ka socda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay salaadii Jimcaha wax uga tukaday masjid ku yaalla Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa dadka reer Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynuhu inuu dadaal kasta ku bixi doono, sidii xal buuxa looga gaari lahaa.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkaana ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin.”

“Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, tabashada ay dadkaasi qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim.”