DF oo dib ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.  

Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. 

Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub.

Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa imaneysa ayada oo maanta uu dalka Qatar tegayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi uga qeyb-galay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena la filayo inuu la kulmo madax Qatar.

Safiir Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha.

Caasimada Online ayaa 4-tii Febraayo qortay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo inuu beddelo safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safiirada aan shaacinay in la beddeli doono ayaa waxaa ugu weynaa safiirka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, oo sida dhacday hadda loo yeeray.

Xasan Sheekh ayaa isbeddelkan u adeegsan doono mid uu qof aad ugu dhow uga dhigo safiirka Soomaaliya ee Qatar, taasi oo uu ku miisaamaayo awooddiisa siyaasadeed ee gobolka.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in madaxweynaha uu dhowaan beddeli doono safiirada Soomaaliya ee dalalka kale ee Carabta, sida Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

Safiirka Soomaaliya ee Masar, Ilyaas Sheekh Omar, waxaa la magacaabay bishii Febraayo 2021, si uu u beddelo Cabdiqani Maxamed Wa’ay, oo 2020 u dhintay cudurka COVID-19. Ilyaas, oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin, ayaa waxaa salfan doona u dhowaanshihiisa madaxii hore ee sirdoonka, waxaana la filayaa in meesha laga saaro.

Xilalka kale ee la filayo in isbeddelka lagu sameeyo waxaa ku jiri kara safiirka Sacuudiga, ayada oo xilka laga qaadi doono Saalim Xaaji Macow, oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa horraantii bishii tagtay u safray Riyadh.

Waxaa sidoo kale la beddeli doonaa safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Safiirada Khaliijka ayaa muhiim u ah Soomaaliya sababo la xiriira taageerada dhaqaale ee dalalkaas ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladda federaalka ku raadineyso maal-gashi caalami ah.