Xog: Qorshe lagu beddelayo safiirada Khaliijka ee ku xiran madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caaismada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan safiiro cusub u magacaabi doona dalalka Khaliijka, si uu u miisaamo saameyntiisa gobolka.

Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in inta badan safiirada uu beddeoi bishan Febraayo gudaheed iyo bisha Maarso, waxaana u jeedka ugu weyn uu yahay inuu meesha ka saaro diblomaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu ku warramay wargeyska Africa Intelligence.  

Xasan Sheekh ayaa wasiirka arrimaha dibedda ka dhigay Abshir Cumar Huruse oo ah ganacsade reer Puntland ah, oo aan laheyn wax khibrad diblomaasiyadeed ah. Xulashada Xasan Sheekh ee Huruse ayaa aheyd mid siyaasadeed, oo siineysa xorriyad uu cidda uu doono ugu xusho safiir, ayada oo aan wax iska caabin ah laga fileyn dhanka Huruse.

Taa beddelkeeda, waxaa safiirada la xuli doona wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Cumar Maxamed oo loo yaqaan Cali Balcad, oo ah gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh. Cali Balcad waxaa la rumeysan yahay inuu yahay wasiir arrime dibadeedka dadban ee Soomaaliya.

Dalalka ay Xasan Sheekh iyo Cali Balcad diiradda saarayaan ayaa ah Masar iyo Qatar, oo safiirada jooga ay aad ugu dhow yihiin Fahad Yaasiin, madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya iyo gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Doha waa Cabdirisaaq Faarax Cali, oo ay ehel yihiin Fahad Yaasiin, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay aad uga walaacsan tahay.

Ayada oo safiirkii Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Asad Muhammad Hashim uu dhowaan dib ugu laabtay Doha kadib markii la beddelay, Xasan Sheekh ayaa isbeddelkan u adeegsan doono mid uu qof aad ugu dhow uga dhigo safiirka Soomaaliya ee Qatar, taasi oo uu ku miisaamaayo awooddiisa siyaasadeed ee gobolka.

Inkasta oo Xasan Sheekh aysan isku xumeyn Qatar, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta. 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaal ugu jiro inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi. Hase yeeshee wuxuu wajahayaa loolan uga imanaya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo doonaya in la magacaabo qof uu isaga wato, isaga oo adeegsanaya xiriirka dhow ee uu la leeyahay Imaaraadka Carabta. 

Safiirka Soomaaliya ee Masar, Ilyaas Sheekh Omar, waxaa la magacaabay bishii Febraayo 2021, si uu u beddelo Cabdiqani Maxamed Wa’ay, oo 2020 u dhintay cudurka COVID-19.

Ilyaas, oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin, ayaa waxaa salfan doona u dhowaanshihiisa madaxii hore ee sirdoonka, waxaana la filayaa in meesha laga saaro.

Xilalka kale ee la filayo in isbeddelka lagu sameeyo waxaa ku jiri kara safiirka Sacuudiga, ayada oo xilka laga qaadi doono Saalim Xaaji Macow, oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa horraantii bishii tagtay u safray Riyadh.

Safiirada Khaliijka ayaa muhiim u ah Soomaaliya sababo la xiriira taageerada dhaqaale ee dalalkaas ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladda federaalka ku raadineyso maal-gashi caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la magacaabay ballan-qaaday inaan cidna loo beegsan doonin, loogana aargudan doonin inay xiriir la leedahay Farmaajo, balse waxaa muuqata in isaga iyo wasiir arrime dibadeedkiisa dadban Cali Balcad aysan taas fulineyn.

Bishii hore billowgeeda, waxaa xarunta madaxtooyada laga eryey shaqaale badan oo rayid ah, sababo la xiriira kaliya in la qoray xilligi madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale qaar kale ayaa loo beegsaday qabiillada ay kasoo jeedaan darteed.