HirShabelle oo shaacisay goorta lasoo afjarayo howl-gallada ka dhanka ah Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee maamulkaasi.

Wasiir ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay u tallaabi doonaan deegaanada dhaca galbeedka Wabiga Shabeelle, islamarkaana la galayo wajiga ugu dambeeya ee howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ugu dambeyn lagu soo afjari doono bisha Maarso ee sanadkaan.

“Sida inoo qorsheysan waxaa goordhaw bilaabanaya howl-gal ka dhan ah Khawaariijta Al-Shabaab ugu dambeyn bisha Maarso si loosoo afjaro kooxda naf la caariga ah,” ayuu yiri wasiirka amniga dowlad-goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la kala jaray isu gudubka Al-Shabaab, islamarkaana deegaanada xiga dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo dowlad-deegaanka Soomaalida laga xayiray isu-socodkooda kadib markii laga qabsaday magaalooyin muhiim u ah marinkooda.

“Dhamaan deegaanada argagixisada laga saaray waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, HirShabelle iyo kuwa deegaanka, sababta keentay in ay dib usoo weeraraan meelaha laga qabsaday waxa ay ka dhalatay kadib markii wabiga Shabeelle uu guray, meelo badan oo HirShabelle ayuuna maraa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Howl-galada waxaa barbar socda barnaamij loogu magac daray xasilinta si bulshadu ay u hesho adeegyada ay u baahan tahay, sida goobaha caafimaadka, waxbarashada, maxkamad iyo xarumaha amniga laga sugo.”

Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo si weyn uga socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay maamulka.

Howl-galada socda ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno, wasiiro heer federal iyo heer dowlad-goboleed, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale, kuwaasi oo furimaha hore ee dagaalka ka socdo u tagay si ay u dhiira-geliyaan ciidamada huwanta.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.