Ciidamada MUQDISHO oo noqday saddex iyo saddex – iyo arrinta la gudboon DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho weli hadalka u badan waa askari dowladeed oo dilay qof shacab ah.

Dowladda waxay la dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah sababaha kooxda loola dirirayo waa dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

In isla ciidankii dowladda ee u taagna in dhibaatada Al-Shabaab laga dulqaado shacabka, in haddana isla iyagii ay shacabka dhibaato ku hayaan waa laba arrimood oo aad isku diidaya.

Khamiistii, Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Mid kamid ah askarta dowladda Soomaaliya ayaa dilkaas geystay sida ay sheegeen goobjoogayaashu, kadibna waa baxsaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in isla qoyskaas wiil kale ciidanka dowladda ay hore uga dileen. Reer laba wiil oo u shaqeynaysay ay ciidanka dowladda ka dileen sidee loogu qancin karaa Al-Shabaab ayaa idinka difaaceyna, waa weydiin taagan oo aanay xiligaan jawaab u hayn dowladda federaalka.

Askarta Muqdisho ku daadsan saddex dhibaato ayay shacabka ku hayaan, saddex-na waxay ku hayaan dowladda.

Shacabka waxay ku hayaan dil joogto ah, dhac joogto ah iyo qalqal galin joogto ah.

Dowladda-na waxay ku hayaan sumcad xumo, amni ku ciyaarid iyo inay iska horkeenaan nidaamka ay ka tirsan yihiin iyo shacabka magaalada.

Dadka qaar waxay leeyihiin waxaa la jooga xiligii dowladdu dib u eeg dhab ah ku sameyn lahayd ciidanka ka shaqeeya caasimada, oo u batay gacan ku dhiiglayaal iyo kuwa wax walba u sameyn kara maandooriyaha dartiis.

Waa in guud ahaan la badalaa ciidanka caasimada ka howl-gala ayay qabaan dadka qaarkiis. In ay ahayn ciidan leh anshaxii askarinnimada, damiir ay ku ilaalin karaan shacabka iyo kuwa u tababaran jawaab madani ah ayaa badi la isku raacsan yahay.

Haddii ciidankan sii ahaadan kuwa dowladda u qaabilsan Muqdisho, waxay fallanqeeyayaasha qabaan in dowladda ay lumin doonto shacbiyada caasimada.

Xamar waa halka marwalba laga qiimeeyo shaqada dowladda federaalka ah, sida ay Xamar u taallo ayay marwalba u taalla natiijada ay haysato dowladda marka jirta.

Sidaas awgeed, tallooyinka loo jeedinayo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dib u eega dhaqamada askarta ee kala dilaya isaga iyo shacabka.

Dhibaatada sii xoogeysaneysa ee shacabku kala kulmayaan askarta dowladda federaalka ah waxay sidoo kale dhaawac ku tahay hadafka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ah in laga adkaado Al-Shabaab iyada oo garab laga helayo shacabka Soomaaliyeed.

Hadda waxaa isha lagu wada haya sida ay dowladda u maareyso arrintaan noqotay mawduuca maalinlaha ah.