Horjooge Xasan Cadde iyo xubno kale oo maanta laga dilay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Janaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ay maanta howl-gal qorsheysan ku dileen ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraalka wasaarada warfaafinta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Howl-gallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyey dilka kooxdan, sidoo kale wuxuu sheegay in howl-galkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dardar xoogan ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu gaarsiiyay jab weyn kooxda, islamarkaana laga qabsaday deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in howl-gal lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, laguna dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal.

Sida ay xiligaas warisay dowladda howl-galkaas ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale.