Daawo: Sharci dood badan dhaliyay oo maanta la hor-geeyay Aqalka Sare ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la horgeeyay Hindise-sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo hore buuq badan uga dhaliyay Golaha Shacabka, ayna ka taagneyd dood badan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan labada guddoomiye ku-xigeen ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ajandihiisu ahaa qeybinta hindise-sharciyeedkan, ayada oo golaha uu hortagay wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Senator-da warbixin ka siiyey hindise-sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman, isaga oo sharaxaad ka bixiyay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidii uu wax kaga bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib waxa uu sheegay in sharcigaan loo gudbinaya guddigga maaliyadda ee golaha Aqalka Sare, si ay uga soo doodaan ayna dib ugu soo celiyaan Golaha.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa 14-kii bishii meel-mariyay hindise-sharciyeedkan, ayada oo guddoonka lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay, waxaana si adag uga horyimid meel-marinta sharcigaan xildhibaanada qaarkood.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

“Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad.

Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

“Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna hore u meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.