ATMIS oo sheegtay sabab yaab leh oo ku kaliftay inay toogtaan wiil Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qoraal ka soo saaray dilkii shalay ay ciidanka ATMIS afaafka hore ee madaxtooyada qaranka ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

ATMIS ayaa bayaankaan ay soo saartay waxay ku qiratay in askari ka tirsan howlgalka uu toogtay qof shacabka, iyagoo raaciyey sababta loo toogtay qofkaas.

Sida lagu sheegay qoraalka ninka la toogtay wuxuu mid ka mid ah gaadiidka ATMIS ku tuuray wax aan la garaneyn, intaas kadibna wuxuu isku deyey inuu fuulo gaariga, taas oo sababtay in la toogto.

ATMIS waxay sheegtay in ay bilowday baaritaan madax-banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen, waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa balan qaaday inay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya.

“ATMIS waxaa ka go’an ilaalinta nolosha shacabka waxayna sii wadi doontaa dhowrista iyo ixtiraamka dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida ku cad sharciyada howlgalkeeda iyo inay taageerto DFS, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo xasiloon,” ayaa lagu yiri gabagabda qoraalkaan ka soo baxay Taliska ATMIS.

Shalay oo Jimco aheyd, markii ay toogashadaan geysteen ciidanka ATMIS, waxaa bilowday banaan-baxyo rabshado wata, dadweyne ka careysan waxa meesha ka dhacay ayaa isku soo baxay, waxayna warbaahinta u sheegeen in dilalkaan aysan ugu dul qaadaneyn ciidanka ATMIS.

Qoyska marxuumka uu ka geeriyooday oo ka mid ahaa dadweynihii isku soo baxay ayaa ku eedeeyay ciidamada ATMIS inay si bareer ah u dileen wiilkooda, waxayna dalbadeen inay caddaalad helaan.

Wiilka ay toogteen ciidanka ATMIS, waxaa la sheegay inuu ahaa derbi jiif, halka lagu toogtay waa isgoyska Ceelgaabta ee kala weybiya degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, sidoo kale waa barta control ee ugu horeysa ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.