Wararkii ugu dambeeyay DAGAALKA Laascaanood – Maxaa dhacay maanta?

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay shalay iyo maanta.

Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iyagu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa furan dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah.

Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb ka ah in uu qaboobo dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ay halkaas ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan.

Ciidamada Somaliland ayaa lasoo warinaya in maalmahan ka shaqaynayeen dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood.

Dhinaca kale, Ciidamo gurmad u ah kuwa deegaanka ee SSC kana tirsan Puntland, balse la sheegay inay u abaabulan yihiin hab beeleed ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay xalay kasoo baxeen magaalada Qardho, si ay uga qeyb noqdaan xoraynta gobolka Sool.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada gurmadka ay saacadaha soo socda tegi doonaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somaliland.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ku dhaw bil ayaa waxaa isa-soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.