Sawirro: XASAN oo tegay xerada ciidanka Danab ee Jubaland iyo arrin uu kala hadlay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehliyeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa xerada kusoo dhaweeyay ururka 5-aad ee ciidamada gaarka ah u tababaran ee Danab.

Madaxweynaha iyo madaxdii la socotay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada Danab ee Jubbaland, taasi oo ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada iyo howl-galada ay ka wadaan maamulkaasi.

Xasan Sheekh ayaa dhankiisa u mahad-celiyay ciidamada Danab, isaga oo bogaadiyay howl-gallada ay ka wadaan dowlad-goboleedka Jubbaland, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Daraawiishta.

“Waxa aan bogaadinayaa ciidamada qalabka sida haddii ay yihiin federaalka, Daraawiishta Jubbaland, ilaalada Madaxtooyada, Danab iyo dhammaan ciidamada kale,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa soo gaba-gabeeyay booqashadiisa dowlad-goboleedka Jubbaland, isaga oo ku amaanay dadka deegaanka sida ay ugu diyaar garoobeen howlgallada Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas, islamarkaana ugu hambalyeeyay.

“Maanta waxaa inoo soo gaba-gabowday booqashadii gaabneed aan ku nimad dowlad-goboleedka Jubbaland, dadka reer Jubbaland iyo masuuliyiintoodaba waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay noo soo dhaweeyeen, intaas kaddib caasimadda KMG ah ee Jubbaland waxa aan kusoo aragnay wax aad iyo aad loogu farxo,” ayuu yiri.

“Deegaankaan dib u xorreyntiisa si fiican ayay u socotaa, waa deegaan dadkiisa ay si fiican isugu tashadeen waan bogaadinayaa, sida ay wax u wadaan haddii ay kusii wadaan ilaahey idinkiis mardhow Khawaariijtu way ka dhammaan doontaa.”

Dowlad-gobleedka Jubbaland ayaa waxaa ka billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay howl-gal ka sameeyeen deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, kaasi oo lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, uuna ku jiray sarkaal sare.