Puntland oo ka jawaabtay qorshihii ay Somaliland ku wargelisay caalamka

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale ku celisay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo waxba kama jiraan ku sheegtay eedeymaha uga imaanaya Somaliland.

Somaliland ayaa shalay beesha caalamka la wadaagtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland, islamarkaana ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntlland marwalba ay qadarinayso in Soomaalida dhexdeeda iyo gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada-hadalka.

“Dowladda Puntland waxay markale cadaynaysaa mowqifkeedi ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.”

Puntland ayaa waxay sheegtay in dagaalka socda mudada ku dhow hal bil uu udhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka.

“Cid kasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.”

Sii socoshada dagaalka Laascaanood ayaa waxa uu maamulka sheegay in waxaa kaliya oo ka dhalan kara yihiin masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

“Colaadda gobolka Sool ee keentay dhimashada, dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda waxaa iska leh Somaliland, nabadduna waxay ku imaan kartaa iyadoo ciidamadeeda gobolka kala baxda, dadka deegaankana u ogolaata in ay iyagoo xor ah oo nabad ah ayaahooda ka tashadaan.”

Somaliland ayaa beesha caalamka ku wargelisay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, kadib markii ay sheegeen in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda.

“Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay
difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.”

Si kastaba, Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer beeniyay sheegashooyin kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ay kula xiriirineyso dagaalka ka socda Laascaanood iyo inay qorshe ay uga faa’iideysaneyso xiisadda taagan.