Sawirro: Booliska magaalada Muqdisho oo soo bandhigay rag maanta lagu soo qabtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga fuliyo howlgallo lagula dagaalamayay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dadka ka ganacsada, sida uu shaaciyey booliska Soomaaliya.

Howlagalladaas ayaa laga fuliyay degmooyinka qeybaha Waliyow-Cadde iyo Galbeed ee Gobolka Banaadir, waxaana gacanta lagu soo dhigay dad lagu raad-joogay oo ka ganacsada maan-dooriyaha.

Afhayeenka booliska Soomaaya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dadkaan lagu soo qabtay howlgallada la hor-geyn doono maxkamadaha dalka.

“Howlgalladaan oo xalay la qaaday ayaa socday ilaa maanta, waxaana barbar socda holwgallo gaar ah oo lagula dagaalamayo Khawaarijta iyo kooxaha ciyaal-weerada oo khatar ku ah amniga caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan oo qoraal soo saaray.

Dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ayaa ku badan magaalada Muqdisho, waxaana dadkaas maalmahaan soo wajahday cabsi xoog leh, kadib markii ay beegsi ku bilowday kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Muqdisho ku dishay dhowr qof oo ay ku eedeeyeen inay ka ganacsanayeen ama isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya, waxaana meelaha qaar isaga cararay kooxihii ka ganacsa jiray ama isticmaali jiray daraagiska.

Dowladda Soomaaliya oo horay u baacsa jirtay kooxdaan ayaa hadda u muuqata inay sii laba jibaartay howlgalkaan, kadib markii lagu dhaleeceeyey in Al-Shabaab ay qabanayaan howl looga baahnaa dowladda.

Muqdisho waxaa la xiray inta badan goobihii lagu iibi jiray waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii ay kooxahaan Al-Shabaab ka dileen dhowr qof, sidoo kale meelaha qaar waxaa laga nastay kooxihii ciyaal-weerada oo khatar badan ku haayey bulshada.

Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa hadda si adag u baacsanaya ciyaal-weerada iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada maan-dooriyaha, taas oo aad u farax-gelineysa dadka reer Muqdisho.