DAAWO: Cumar Cabdi Rashiid oo hadal aan laga fileynin ka sheegay munaasabadii CALANKA..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa hadal taariikhi ah oo geesinimo ka jeediyay munaasbadii 12 oktoobar ee maalinta calanka Soomalaiyee oo shalay ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

“Kow iyo lixdan sano kadib iyo maanta iyo berri Soomaali astaanta na mataleyso waa Calankaas, waxa loo sameeyeyna Jamhuuriyadda kaliya ma aheyn ee waxay aheyd Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeena, siyaasadeena gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama umad kula dagaaleynay waxay aheyd Calankaas”. sidaasi waxaa yiri Cumar C/rashiid oo sii raaciyay in calankaas lagu socon doono mustaqbalka.

HOOS KA DAAWO HADLKAN