Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sh oo telefoon ku qancinaya dadka beelaha Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay mar kale in uu yahay musharax 2016, isla markaana uu aamin sanyahay in uu soo noqon doono mar labaad.
Madaxweynaha oo Telephone su’aalo lagu weydiinayay qurbo joogta Puntland & Jubaland ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo iyaga is burunaayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in mushaarka Ciidanka XDS uu isagu bixiyo wax lacag caawinaad ahna uusan ka helin beesha caalamka iyo cid kale.

Madaxweynaha oo dhowr su’aalood la weydiiyay ayaa u ekaa mid qancinaayo qurbo joogta Puntland iyo Jubaland.

Waxaa isla kooxdan  Qurbojoogta Puntland iyo Jubbaland ay wareysteen Maxamed Cabdi Afeey, su’aalaha wax laga weydiiyay ayaa ahayd in Galmudug ay sharci tahay iyo sida uu arko. Isagoo ka jawaabayo ayuu yiri “Aniga uma hadlaayo IGAD” Laakiin ka shaqsi ahaan sharci ma arko. Dastuurka Soomaaliyana waajib kama saarna IGAD iyo Beesha Caalamka”

Halka ka dhegeyso.

Halkan Ka Dhageyso Qurbo Joogta Puntland iyo Maxamed Cali Afeey