Xildhibaanno keenay arrin ka duwan tii JAWAARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu shaaciyay inuu soo afjaray Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaanada Mooshinka wada, ayaa waxaa arrintaasi mar kale siyaabo kala duwan uga hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Aabi Aadan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in marka hore Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan uu ku tuntay sharciga dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Jawaari uusan raali ka aheyn inuu dhismo dalka islamarkaana uu juhdi ku bixinaayo in mar waliba uu soo laalaabto khilaafka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Xildhibaan Aabi Aadan waxa uu tilmaamay in weli ay ku dhegan yihiin mowqifkoodii ay saxaafadda u aqriyeen 6 October kaas oo ahaa in Mooshinkooda uusan waxba iska bedelin.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Gudoomiye Jawaari uu cadaadis siyaasadeed saaray 8 Xildhibaan oo Mooshinka wax ka waday kuwaas oo haatan ka noqday mowqifkoodii.

Aabi Aadan waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Jawaari haba yaraatee uusan xalin Khilaafka taagan balse uu Mooshin wadayaasha u adeegsaday warbaahinta, hayeeshee taasi aysan socon doonin.

Arrintaani ayaa imaaneysa xil maalinimadii shalay Jawaari uu ku dhawaaqay go’aan uu daboolka uga qaaday in gebi ahaan la laalay Mooshinka islamarkaana uu soo dhamaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com