CCC Sharma’arke oo ka farxiyay XASAN SHEIKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisu diyaar u tahay hirgelinta qodobadii shalay ka soo baxay shirkii ka dhacay Madaxtooyada kaasoo ay yeesheen Gudoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada ku kacsan Madaxweynaha

“Waa u mahad celinayaa arrintii uu soo jeediyay Guddoonka Baarlamaanka, anaga ka xukuumad ahaan waa fulineynaa qodobada lagu heshiiyay, waxaana balan qaadeynaa in wasaaradaha ay quseyso ay fulinayaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabaha kasoo baxa fulinta hishiiskooda ay dib ugula laaban doonaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in dib loo soo celin doono dhamaan hantidii dowladda ee la iibsaday ama la bixiyay wixii ka dambeeyay 1990, waxaana qodobkan loo arkaa mid aad u xasaasi ahaa oo ahaa mid bulshada hadal heysay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay soo saaray qoraal dhowr bog ahaa oo lagu cadeeyay in mooshinka lagu dhameeyay,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com