XASAN SHEEKH oo mar kale ku celshay go’aan aysan jecleysan badi shacabka Soomaaliyeed..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celshay inuu yahay Musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuusan jirin sharci ka hor istaagaya inuu mar kale isu soo taago qabashada Madaxweyninimo, waxa uuna Tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu kasoo horjeedo inuu xilka kororsado.

Waxa uu sheegay inuusan waxba ku darsan doonin wakhtiga u harsan taasi bedelkeeda uu isu soo taagi doono doorashada la filaayo inay dhacdo sanada fooda nagu soo heyso ee 2016-ka.

Xassan waxa uu sheegay inuu la socdo in dhibaatooyin badan ay ka dhalankarto haddii uu ku dhaqaaqo tallaabo wakhti kororsi ah, balse uusan xiligaani diyaar u aheyn inuu muddo kororsi ku dhaqaaqo.

”Wey iga go’an tahay inaan ka qeybqaato doorashada soo socta. balse waxa aan kasoo horjeeda wakhti kororsi, doorashadeenu ma noqon doonto hal cod iyo hal qof waad la soctaan dhibaatada dalka ka jirto. waxaan xooga saari doonaa in dalka ay ka dhacdo doorasho un”

”Waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo wado cusub jideeyo, waxaan doonaayaa in Somalia aan isbedel ku sameeyo”

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya xili Somalia ay u diyaar garoobeyso doorasho aan aheyn nin iyo codkiisa, balse la qorsheynaayo inay dhacdo mid taasi ka duwan.

Inta badan Xildhibaanada iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaan raali ku aheyn in Madaxweyne Xassan uu mar kale isu soo taago xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com