Xog: Somaliland oo 3 shuruud oo adag ku xirtay maamulida hawada Somalia iyo wada-hadalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmaha soo socda la filaayo in Magaalada Ankara uu shir wada-xaajood ku saabsan Maamulida Hawada Somalia uga furmi doono DF Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa magaaladaasi sii gaaray wafdi wasiiro ka tirsan Maamulka.

Wafdiga hordhaca ah ee matalaaya Maamulka Somaliland ayaa waxaa hogaaminaayo wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waxaana kamid ah xubno ka howlgala Madaxtooyada Maamulka.

Wasiirka duulista Maamulka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeeda Hawada Somalia waxa uuna Tilmaamay in Somaliland ay mar waliba diyaar u tahay inay maamulato inta kaga aadan hawadeeda.

Waxa uu sheegay in shirka ay ka dhex shaacin doonaan 3 shuruud oo ay ku ogolaan doonaan Hawada waxa uuna ku kala sheegay:

1-In hawada laga maamulo Hargeysa

2- In hawada loo kala gooyo Somalia iyo Somaliland.

3-In QM ay gacanta kusii hayso hawada Somalia.

Wasiirka ayaa ballan ku qaaday inaysan Somaliland usoo qaadi doonin wax aan u cuntamin waxa uuna wacad ku maray inaysan aqbali doonin in Hawadooda laga maamulo Muqdisho.

Dhanka kale, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shacabka Hargeysa u sheegay haddii saddexdaas midkood aysna dhicin ay mar kale isaga soo tagi doonaan wada hadallada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com