Xog: Habka ay beelaha u kala qeybsan doonaan maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddo bil ah dib u dhac uu ku yimid qorshe horay ay u dajisay wasaarada arimaha gudaha kuna aadan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa soo baxaya qaab loo dajiyay awood qeybsiga dhismaha maamulkaasi.

Ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar kamid ah beelaha Daga labada gobol ay isla gareen qaabka loo qeybsanayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in beelaha qaar aan wali lagu qancin qaabka loo dajiyay qeybsiga maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe halka beelaha qaar lagu qanciyay xilalka ay qaadanayaan.

Beelaha ayaa waxay xilalka loogu kala qeybiyay:

1 – Caasimada (Jowhar) iyo Madaxweyne Ku xigeenka waxaa helaya ABGAAL
2 – Madaxweynaha maamulka  XAWAADLE
3 – Gudoomiyaha Baarlamaanka GAAL JECEL
4 – Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka BAAD-CADDE

Waxaanan wali aanan helin xogta ku aaadan xilalka lagu qanciyay jareerweyne iyo Habargedir oo degma Matabaan kasoo gashay dhisma maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com