Xog: Xubno DF ah oo baasaboorada laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – War aan ka helnay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Saraakiisha ka howlgasha garoonka, gaar ahaan xafiisyada laga koontaroolo Baasaboorada ay bilaaben inay Baasaboorka ka qaadan Mas’uuliyiin kooban oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada.

Amarkaasi ayaa kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia General C/llaahi Gaafow Maxamuud, waxa uuna go’aanku yahay mid saameynaaya Tirro Mas’uuliyiin ah.

Sargaal ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ayaa Caasimada u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Baasaboorka laga qaaday uu kamid ahaa Wasiiru dowlihii hore ee arrimaha Dibada iyo dhiirigalinta maalgashiga iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadii Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed, sida ay xogtu ku heleyso Caasimada Online.

Wasiiro, Wasiiro ku-xigeen iyo Xildhibaano ka tirsan DF Somalia ayaa bilaabay in iminka ay ku safraan Baasabooro caalami ah, kadib markii ay walaac ka muujiyeen amarka lagu dhaqan galinaayo qoraal kasoo baxay Xafiiska Gaafow.

Inta badan Mas’uuliyiinta ka tirsan DF Somalia ayaa isticmaala Baasabooro dalal kale ah, waxaana la tilmaamayaa in iminka xiliyada Safarka ay isticmaalan Baasabooradaasi.

Lama Oga sababta ka danbeysay in Baasaboorada laga uruuriyo Mas’uuliyiintaasi oo u badan kuwo xilal horay uga soo qabtay Xukuumadii Shirdoon iyo C/weli Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com